Declan Rice Oo Sheegay Arinta Sababta U Ah Dhibaatada Xulka England Ee Tartanka Euro 2024.

Declan Rice ayaa sheegay in ka go’naanshaha ku guulaysiga Euro 2024 ay sabab u tahay qaab ciyaareedka xun ee uu soo bandhigay xulka England tartanka Euro 2024 ilaa haatan.

Xulka Saddexda Libaax ayaa 4 dhibcood ka qaaay labadii kulan ee ay ciyaareen tartanka euro 2024 ilaa haatan.

Bar-Barihii ay la galeen xulka Denmark ayaa keentay dhaleecayn xoogan oo ay la kulmeen xulka England.

Rice waxa ay hadda qiratay in isaga iyo asxaabtiisa England ay la dhibaatoonayaan culayska waxa ay naftooda ka filayeen.

“Waxaan u maleynayaa inaan dhammaanteen aad ugu rajo weynahay inaan dalka ka dhigno kuwo nagu faana, waxa aan dhamaanteen aad u doonaynaa in aan ku guulaysano koobka in aan noqono hogaamiyayaal dadkana siino wax ay nau xasuustaan”ayuu rice yidhi.

“Mararka qaar waxaa laga yaabaa inaan nafteena saarno cadaadis dheeraad ah halkii aan u dayn lahayn wax walba in ay u socdaan sida loogu tala galay”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More