Ciidamado ka wada tirsan DFS oo ku dagaalamay magaalada Marka

Magaalada Marka waxaa xalay fiidkii ku dagaalamay Ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gacanta ku haya sugidda ammaanka Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose..

Iska hor imaadka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana hakad galay dhaq dhaqaaqii dadka magaalada Marka sida ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka Axadle, iyadoo markii dambe ay halkaasi isaga baxeen saraakiil ka tirsan ciidamada DFS.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta dagaalka, ilo wareedyo ayaa Axadle u xaqiijinaya in askarta ay isku qabteen lacag, halka warar kale ay sheegayaan in dagaalka uu salka ku hayo khilaaf soo kala dhexgalay.

Saraakiisha kale ee Milatariga Soomaaliya ayaa sameeyay isku dayo kala duwan oo lagu qaboojinayo xiisada, maadaama xiisadu ay saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah ee ku dhaqan Magaalada Marka.

Magaalo xeebeedka DG Koofur Galbeed, oo ay maamusho Guutada 14-ka Oktoobar, ayaa xasilloonayd xilliyadii la soo dhaafay, ka dib sanado badan oo dagaallo ay ka dhasheen dhimasho, dhaawac iyo beegsiga dadka qaar.

Weli ma uusan ka hadlin Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Kan Magaalada Marka & Taliska 14-ka Oktoobar, si loo helo xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha, maadaama la soo sheegayo waxyeelo rayid iyo mid ciidanba leh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More