Catriona Laing: Waxaan safiir u noqon doonaa Soomaaliya, si aan uga sheekeeyo wanaagga dadka Soomaaliyeed

Arbaco, May, 22, 2024 (AX) – Ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa aad ugu mahad celisay shacabka Soomaaliyeed oo ay ku tilmaamtay dad wanaagsan oo si fiican ula shaqeeyay muddadii sanadka ahayd ee ay hormuudka u ahayd xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Catriona Laing ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in ay Soomaaliya mar labaad ka shaqeyso, iyadoo tilmaamtay markii iigu horreysay oo ay Soomaaliya timaado in ay ahayd sanadihii 1993-1994, xilligaas oo ay kamid ahayd hawlgalkii QM ee asalka ahaa.
Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, mustaqbalka Soomaaliya inuu yahay mid ifaya. Waxay sheegtay in ay jiraan fursado kalluumeysi, iyo fursado saliid iyo gaas looga soosaari karo Soomaaliya. Waxay tilmaamtay dunidu inay aad u xiisaynayso maalgashiga dekedaha Soomaaliya.
Waxay tusaale wanaagsan u aragtaa rajada ay Soomaaliya ka qabto in ay kursiga Golaha Ammaanka ku fariisato sannadka soo socda. Halka ay sidoo kale bogaadisay in Soomaaliya ay u sharraxan musharrax haweenay u tartameysa kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika.
“Waxaan aragnaa Soomaaliya oo si tartiib tartiib ah ugu guureysa kaalin hoggaamineed – min dal dhibban ilaa mid dhibaato xalliye ah. Marka sidaasi waa sida aan u dhigi lahaa – waa safar, laakiinse ah safar u socda jihada saxda ah,” ayay tiri Catriona Laing.
Mar ay ka hadlaysay caqabadaha xilligan ka taagan Soomaaliya waxa ay sheegtay inay ugu weyn yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan dib usoo noqoshada burcad badeedda iyo Alshabaab. Waxay dowladda ku dhiirri galisay inay si degdeg ah ula timaado waxyaabo xasilooni dhalin kara si dadka shacabka ah loo tuso in la-jirka dowladda ay ka wanaagsan tahay la-jirka Al-Shabaab.  
Catriona Laing  oo ugu dambayn macsalaamaysay Soomaaliya ayaa sheegtay inay Soomaaliya safiir u ahaan doonto si ay uga sheekayso wanaagga ay kusoo aragtay dadka Soomaaliyeed muddadii ay xafiiska joogtay.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More