Bandow Gaalkacyo la geliyay & dhaawacyo laga soo qaadayo. –

Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta la joojiyay dhaq-dhaqaaqa Magaaladaas, kadib markii laamaha ammaanka ay go’aan ku gaareen in lagu dhaqaaqo baaris la xiriirta qarax sababay dhimashada & Dhaawaca.

Ciidamada ayaa xiray waddooyinka, dadka ayaa lagu wargeliyay in aysan kasoo bixin guryahooda, waxaana magaalada ku dhex socda Askarta sameyneysa baaris sida ilo xog ogaal ah ay Axadle u xaqiijiyeen.

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ku hanjabay in maamulkiisu uu qaadayo tallaabo jawaab u ah weerarka uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo galaaftay nolosha dad ka badan 40-ruux & dhaawaca tiro kale.

Ciidamada ammaanka DG Puntland oo ku sugan Waqooyiga Gaalkacyo ayaa ku biiray howlgalka, si wadajir ay isaga kaashadaan labadaan Dowlad Goboleed sugidda amniga Xarunta Gobolka Mudug.

Dhanka kale, waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo laga soo qaadayaa qaar kamid ah dadka dhaawacyada halis ah, si loogu daweeyo Goobaha Caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

DFS ayaa qorsheysay in xitaa dadka dhaawacyadooda halista ah ee u baahda Caafimaad dibadda ah in loo diro Dowladaha Soomaaliya ka gacansiiya daweynta bukaanada waxyeelada ku gaarta Qaraxyada.

Guddi u badan dhaqaatiir ayaa loo xilsaaray howshaan si ay gaar ugu bixiyaan dadka dhaawacyada culus gaaray si loo fududeeyo soo qaadistooda, looguna soo qaado diyaarad loo dirayo.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More