Cuba oo sheegtay in Maraykanka uu dilay labo dhaqtar oo dalkeeda u dhashay oo afduub loogu haystay Soomaaliya

 
Sabti, Juun, 15, 2024 (AX) – Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Cuba Bruno Rodríguez Parrillas, ayaa sheegay in warbixinta Taliska Milliteriga Maraykanka ee Afrika (AFRICOM)  ee ku saabsan dhimashada dhakhaatiirta Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández, aysan wax cusub soo kordhinayn.
Bruno Rodríguez Parrillas ayaa sheegay in dhaqaatiirtaas ay ku dhinteen duqeymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
“Waa wax lala yaabo xogta uu sii daayay afhayeenka Mareykanka oo aan wax cusub ku soo kordhineynin dhimashada dhaqaatiirta Cuba,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Cuba.
Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in tan iyo bishii April, Cuba ay Maraykanka ka sugeyeen jawaabo la xiriira weerarka AFRICOM ee lala bartilmaameedsaday labada dhaqtar ee Cuba u dhashay.
Askarta Maraykanka waxa uu xaqiijiyey in uu duqeyn ka geystay meel u dhow magaalada Jilib (Koonfurta), halkaasoo ay ku xirnaayeen dhaqaatiirta Cuba, balse wuxuu beeniyay in weerarkaas uu sababay dhimashadooda.
Alshabaab oo afduub u haystay labada dhaqtar ayaa ku eedeeyay Maraykanka inay duqayn ka dhacday magaalada Jilib ku dileen labada dhaqtar.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More