In ka badan Hal Milyan iyo bar Xujaay ah oo Maanta taagan buurta Carafo

 
Sabti, Juun, 15, 2024 (AX) – Ku dhawaad 2 Milyan oo Xujaay Muslimiin ah ayaa Maanta taagan buurta Carafo oo ku taala magaalada Makka ee dalka Sacuudi Carabiya.
Muslmiintaan ayaa buurta Carafo u taagan  gudashada waajibaadka maalinta Carafo oo ah rukniga ugu weyn ee Xajka.
Xujaaydaan ayaa burta kasoo dagi doonaan  marka la gaaro Salaadda Duhur oo ay jamcin doonaan Salaadaha Duhur iyo Casirka, kadibna waxay dib ugu laaban doonaan buurta oo ay saarnaan doonaan ilaa gabal dhaca maanta.
In ka badan ilaa 11 kun oo Soomaali ah ayaa ka mid Muslimiinta sanadkaan gudaneysa  waajibaadka Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee ugu waa weyn diinta Islaamka.
Si kastaba ha ahaatee Musliminta kale ee aan Xajineyn maanta ayaa intooda badan Sooman, kuwaas dhankooda sameynaya Alle bari si ay uga faa’deystaan maalintaan qiimaha badan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More