Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo Al-shabaab kala wareegay deegaano cusub

 
Sabti, Juun, 15, 2024 (AX) – Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay wadooyinka isku xira gobolada kala ah Baay, Bakool iyo Gedo.
Wadooyinkaan ciidamada is kaashanaya ay howlgalada ka sameeyeen ayaa la sheegay iney ku dhuumalaysanayeen xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.
War kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgalada kula wareegeen deegaano dhowr ah oo aanan la shaacin magacyadooda, islamarkaana sido kale ay ku burburiyeen goobo kooxdu gaadiidka noocyadiisa kala duwan uga qaadan jirtay lacagaha baada ah.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay oo qaarkood la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegeen in ujeedka uu ahaa sugida amniga wadooyinka xiriiriya gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, halkaas oo ay sheegeen in mararka qaar kooxdu ku dhibaateyn jirtay dadka masaafurka ah.
Maalmahii lasoo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa mudooyinkii dambe si weyn kordhiyay howlgalada ay kula dagaalamayaan Al-shabaabka ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More