Xil heynta Lafta Gareen ee Koofur Galbeed oo maanta labo

Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta oo kale 19-ka December 2018-kii, kadib markii Dowladdu ay xirtay Muqtaar Roobow oo xilkaan ku hamiyay, dibadbaxyo rabshada watay oo dad rayid ah lagu dilay & Tijaabo adag oo ay gashay Xukuumadda Federaalka.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Hogaamiyaha DG KGS waxaa la tartamay Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Ibraahim Macalin Nuur, Sayid Axmed Sheekh Daahir & Xuseen Cismaan Xuseen.

Doorashada waxaa lagu kala baxay Wareegga koobaad kadib markii Lafta gareen uu helay codad gaaraya 101-Cod, halka Musharaxa ku xigay oo ah Aadan Maxamed Nuur Saransoor uu helay 22-Cod sida xiligaas uu ku dhawaaqay Guddiga maamulayay Doorashada.

Lafta gareen oo lasii hadal hayay in uu ku guuleysanayo Doorashada, maadaama si cad loo ogaa in ay wadatay Xukuumadda Soomaaliya helay 70% Codadka xildhibaannada gaaraya 143-Mudane ee codeysay.

Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen ayaa sanad dheeraad ah ku darsaday 4-ta sano ee la doortay, sidaas ayuu xafiiska kusii joogi doonaa 5-sano oo labo kamid ah maanta idlaatay.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen waxaa Bartamihii Janaayo 2019-ka lagu Caleemo saaray Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah DG Koofur Galbeed, waxaana ka qaybgalay Hogaamiyayaasha Federaalka & kuwa Dowlad Goboleedyada.

Haddaba, Labo sano kadib, Hogaamiye Lafta gareen muxuu u qabtay DG Koofur Galbeed?

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo loo doortay Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More