Arrimihii ay Taalibaan kaga dhowaaqeeen shir
Kabul (Axadle) – Taalibaan ayaa maanta Kabul ku qabatay shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada, waxayna ku dhowaaqeen inay doonayaan xiriir nabadeed oo ay la yeesheen dalalka kale ee caalamka.
“Ma dooneyno cadow gudaha iyo mid dibedda ah,” waxaa sidaas yiri afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid.
Zabihullah Mujahid wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in xuquuqda haweenka lagu ilaalin doonin…