MURUGO: Geerida Ciyaartoy Uu Ku Dhacay Korona Fayras Oo Looga

Waddanka Talyaaniga waxa loo fadhiyaa baroor-qiiqda ciyaartoy uu ku dhacay Korona Fayras oo si lama filaan ah u geeriyooday isagoo ay da’diisu ahayd 19 jir.

Marco Tampwo oo ku dhashay magaalada Rome ayaa geeriyooday maalmo kaddib markii uu ku dhacay Korona Fayras, laakiin waxa laga shakisan yahay in markii uu fayrasku ku dhacay uu kusoo booday wadne xanuun aan lagu ogeyn sidaasna uu ku geeriyooday.

19 jirkan ayaa u ciyaari jiray kooxda heerka afraad ee Talyaaniga ee Terme Fiuggi oo bishii hore kala soo wareegtay naadiga US Pianese.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in Marco Tampwo laga helay Fayraska Korona oo la geliyey karantiil kaddibna uu si degdeg ah u geeriyooday isagoon xanuun kale ku dhicin.

Marco Tampwo ayaa isku karantiilay guriga qoyskooda oo ku yaalla Montena oo ah magaalo u dhow Rome, waxaana isaga oo guriga jooga uu dareemay xaalad aan caadi ahayn maalintii Axaddii.

Waalidkii ayaa u dalbay baabuurta gargaarka degdegga ah si ay u geeyaan dhakhtar, laakiin waxa dhamaatay saacaddiisa oo markiiba wax ka baxday nafta.

Saxaafadda Talyaanigu waxay sheegeen in aanu Marco Tampwo u geeriyoonin Korona Fayras laakiin uu wadne xanuun kusoo booday.

Kooxda kubadda cagta Terme Fiuggi ee Serie D-da Talyaaniga ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay la murugoonayso geerida ku timid ciyaartoygooda Marco Tampwo oo toddobaadyo ka hor uun kusoo biiray, waxaanay xuseen in ay garan la’ yihiin ereyo ay ku sifeeyaan geeridan.

Kooxdii hore ee uu Marco Tampwo u ciyaari jiray ee uu toddobaadkii hore ka yimid ee Pianese ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay ugu tacsiyaysay qoyska uu ka geeriyooday laacibkani.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More