MURUGO: Ciyaartooy Lagu Laayay Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo
Qarax miino ahaa oo lala beegsaday gaari bas ah oo ay saarnaayeen ciyaartoy maanta ka qeybgeli lahaa tartan kubada cagta ah oo ka furmayay magaalada Kismaayo.Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay qaraxaan laakiin warar hordhac ah ayaa sheegaya in labo ka mid ah ciyaartoydii saarnaa baska inay dhinteen halka lix kalana ay dhaawac yihiin.Ciyaaryahanadda gaariga baska ah saarnaa waxay ka tirsan yihiin kooxda JCCI ee ka dhisan magaalada Kismaayo.Waxay ku sii jeedaan garoonka kubada cagta Waamo ee magaalada…