Barcelona ayaa wali ku jirta qorshihii ay ku dhimi lahayd kharashaadkeeda iyadoo dareerinaysa ciyaartoydeeda aan muhiimadda badan u lahay.Intii uu suuqu furnaa ayay Barcelona iibisay Carles Alena, Junior Firpo, Konrad de la Fuente, Jean-Clair Todibo, Trincao iyo kuwo kale, laakiin wali fari kama qodna, waxaanay u baahan yihiin inay meesha ka saaraan ciyaartoyda waaweyn qaarkood, si ay u gaadhi karaan xaddiga mushahar ee loo ogol yahay in aanay ka badan karin xilli ciyaareedkan.Kaddib markii ay xaqiijisay in Lionel Messi uu…