Rio Ferdinand Oo Toos U Tilmaamay Laba Saxeex Oo Aad Ugu Haboonaan
Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa aaminsan in ay tahay in kooxdiisii hore khad dhexe la saxeexato kahor suuqa xidhitaanka suuqa xagaagan isaga oo doonaya mid ahaan Saul Niguez oo Atletico Madrid ka tirsan iyo Declan Rice oo West Ham United qayb ka ah.Waxa jira warar badan oo xan ah oo sheegaya in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu suuqa ugu jiro baadigoobka khad dhexe inta ka horreysa 31-ka August.Kooxda ayaa isku dayi karta mid ahaan Saul ama Rice oo labaduba awoodooda sanado kusoo muujiyay Hammers iyo…
