Maxay Tahay Talaabada Uu Qaaday David De Gea Ee Uu Ku Farxad Geliyay
Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa sameeyay talaabo cajiib ah taas oo muujinaysa sida uu u doonayo inuu u dagaalamo soo celinta booskiisii dookha koowaad ee kooxdaas.David ayaa booskiisa dookha koowaad bilooyinkii ugu dambeeyay u waayay Dean Henderson kaddib markii uu qaladaad kale soo sameeyay xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2020-21.De Gea ayaan sidoo kale wax boos ah ka helin xulka Spain intii uu socday Euro 2020 isaga oo tababare Luis Enrique ka doorbidayay goolhaye Unai Simon.Arrinta soo jiidashada…