Jarmalka Oo Qirtay Inay Ku Qaldameen Xiddiga Muslimka Ah
Xidhiidhka kubadda cagta Jarmalka ayay ku qaadatay muddo laba sannadood ah inay qirtaan inay qalad ka galeen kubbad-sameeyaha Muslimka ah ee Mesut Ozil oo canaan badan loogu jeediyey kulan uu magaalada London kula yeedhay Madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ka hor intii aanu bilaabmin Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka.
Mesut Ozil iyo Ilkay Gundogan ayaa kulan la qaatay madaxweynaha waddanka ay asal ahaanta kasoo jeedaan ee Turkiga, Mr Recep Tayyip Erdogan oo muddo saddex maalmood ah ku qaatay…