Faahfaahino kasoo baxaya weerar Al-shabaab ku qaaday deegaanka Xawaadleey
Arbaco, April, 24, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar kooxda Al-shabaab ku qaaday fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Weerarka oo ahaa mid aad u xoogan oo ku bilaawday qaraxyo miino ayaa waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.
Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Cali Cabdulaahi Cali ayaa isagoo ku sugan deegaanka Xawaadley warbaahinta u sheegay iney ka hortageen…