Mogadishu Opposition Protest Fails, Highlighting Somalia’s Shifting Political Landscape
Mudaaharaadkii ay dhawaan ku baaqeen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho, oo loo arkayay tijaabo lagu cabbirayo culayskooda siyaasadeed, taageerada bulshada iyo awoodda ay ku abaabuli karaan dadweyne, ayaa ku dhammaaday si aan la saadaalin karin oo...
By Sayid Ali HajiSunday May 10, 2026
Mudaaharaadkii ay dhawaan ku baaqeen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho, oo loo arkayay tijaabo lagu cabbirayo culayskooda siyaasadeed, taageerada bulshada iyo awoodda ay ku abaabuli karaan dadweyne, ayaa ku dhammaaday si aan la saadaalin karin oo ah niyad-jab iyo sawir-xumo. Arrin kale oo si gaar ah loo xusay ayaa ahayd in xukuumaddu soo dhawaysay, una asteysay goobtii lagu qaban lahaa dibad-baxa, isla markaana kaalin ka qaadatay sugidda amnigooda iyo kan guud. Taasi waxay si cad uga duwanayd dhaqankii xukuumaddii hore (2017-2022), oo marar badan hor istaagi jirtay mudaharaadyada mucaaradka, isla markaana waxyeello gaarsiin jirtay qaar kamid ah dadkii ka qaybqaadanayay. Dhacdadan ayaa si weyn loo sugayay, gudaha dalka iyo meelaha ka baxsanba.
Abaabulka muddooyinkii dambe socday, oo mucaaradku si joogto ah ugu howlanaa, waxaa la filayay inuu soo bandhigo miisaanka siyaasadeed ee ay ku leeyihiin bulshada. Hase yeeshee, halkii ay ka muuqan lahayd awood muujin, waxa uu ku idlaaday fashil ay dad badani hore u odoroseen, balse sida muuqata aanu mucaaradku filayn. Natiijadu waxay daaha ka qaaday dhibaatooyin qoto dheer oo hareeyay mucaaradka, kuwaas oo saameynaya hoggaankooda, aragtidooda siyaasadeed iyo fahamkooda ku aaddan isbeddelka bulshada iyo duruufaha dunida maanta.
Si loo garto sababta keentay fashilka iyo foolxumada maanta soo wajahday mucaaradka, waxaa lama huraan ah in la isku xiro saddex arrimood oo mid kasta oo ka mid ahi si gaar ah u wiiqay awooddooda. Marka la isku geeyo, saddexdani waxay fadhiid ka dhigeen siyaasiyiintii horboodayay mudaaharaadkii maanta (10/05/26) ee Muqdisho. Waxayna kala yihiin:
1- Nugaylka qaab-dhismeedka mucaaradka iyo jiritaan la’aanta aragti siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin.2- Isbeddelka weyn iyo horumarka ay samaysay bulshada, halka mucaaradku weli ku dheggan yahay luqaddii duugga ahayd ee sannadihii la soo dhaafay ka taagneyd masraxa siyaasadda.3- Dowladda Federaalka – oo aan ka madhnayn qaladaad muuqda – oo soo bandhigtay waxqabad aan la inkiri karin iyo barnaamij siyaasadeed oo bulshada soo jiitay, isla markaana abuuray rajada mustaqbalka.
Mucaarad aan lahayn mashruuc siyaasadeed oo mideysan
Sababaha ugu culus ee guuldarrada mudaaharaadka maanta ka dhacay Muqdisho waxaa ka mid ah in mucaaradku aanu weli isu beddelin xoog siyaasadeed oo casri ah, leh mabda’ cad, barnaamij la taaban karo iyo himilo qaran oo la wada arki karo. Siyaasiyiinta hoggaanka ka ah mucaaradkuna waa dad muddo dheer ku jiray siyaasadda dalka, balse aan weligood ku guulaysan inay dhisaan xisbiyo ama dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan, kuwaas oo ay hoggaamiyaan kuna saleeyaan aragti siyaasadeed oo bulshada u caddaan karta.
Siyaasaddoodu badanaa waxay ku wareegtaa tartanka kursiga, waxaana weheliya is-xulufaysi aan joogto ahayn oo ku meel gaar ah, saldhiggiisuna yahay nidaamka awood-qaybsiga qabiilka ee muddada dheer dalka ka jiray. Arrintaasi waxay sababtay in qayb weyn oo bulshada ka mid ahi aanay mucaaradka ku arag saami macno leh oo ay ku biirinayaan geeddi-socodka dowlad-dhiska, ama qorshe ay ku hormarinayaan nidaamka dowliga ah. Ujeeddadoodu inta badan waxay u egyihiin in ay kursiga la wareegaan marka qof kale joogo, halkii ay bulshada u soo bandhigi lahaayeen beddel siyaasadeed oo dhab ah.
Waxaa sidoo kale mudan in la xuso in mucaaradku weli ku xiran yahay dhaqan siyaasadeed oo gaboobay, kana soo farcamay colaadihii siyaasadeed ee dalka dhaawacay. Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa bulshada kula hadla mowjado ay hareeyeen:
• Cabsigelin ku salysan qabyaalad,
• Kicin xusuuso colaadeed ee hore, iyo
• Luqad siyaasadeed oo ku dhisan kala qaybin iyo shaki abuuris.
Halka dunidu maanta ka doodayso:
• Dowlad wanaag,
• Koboc dhaqaale,
• Tiknoolajiyad,
• Maalgashi,
• Shaqo abuur, iyo
• Tartanka aqoonta,
Mucaaradka badankiisu weli wuxuu ku mashquulsan yahay doodihii awood-qaybsiga iyo nidaamyadii ku meel gaarka ahaa ee muddo dheer dalka soo maray. Taasi waxay si gaar ah uga fogeysay jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Maskaxda iyo xusuusta bulshada waxaa u muuqda siyaasiyiin mucaarad ah oo lagu sifeeyo:
• Ku dhegganaanta kursiga iyo in dhiig lagu daadiyo sidii loo sii haysan lahaa,
• Ka faa’iidaysiga nidaamka qabiilka, si masraxa siyaasadda loogu sii negaado.
• Damac xumo iyo xiriirro ku salaysan dano shisheeye, oo halis ku ah qarranimada iyo midnimada dalka.
• Qayb ka ahaansho dhaliilihii maamulladii hore ee isugu jiray musuqmaasuq, maamul xumo iyo hagardaamaynta bulshada iyo siyaasiyiintaba.
Waxaa intaa dheer in mucaaradku aanu isku aragti ka ahayn arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
• Dhammeystirka dastuurka,
• Nooca doorashada dalka,
• Xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada,
• Jihada siyaasadeed ee ay tahay in dalku abbaaro.
Arrimahaas ayaa dhammaantood qayb ka noqday in mucaaradku ku guuldareysto inuu bulshada ka dhaadhiciyo in uu leeyahay aragti iyo awood horseedi karta isbeddel cusub oo ka duwan nidaamka hadda jira. Maadaama kooxaha mucaaradku aanay isku waafaqsanayn masiirka dalka, waxa keliya ee mideeya ayaa noqday diidmada dowladda talada haysa.
Jiilka cusub iyo isbeddelka Soomaaliya
Soomaaliya waxay ka gudubtay duruufihii 1991 iyo 2006, waxaana adkaanaysa in mar kale dib loogu celiyo waayihii murugada badnaa. Dalka iyo dadkiisaba waxaa ku dhacay isbeddello siyaasadeed, amni iyo dhaqan-dhaqaale oo horseeday horumar bulsho oo muuqda. Horumarkaasi wuxuu ku dhisnaa aqoon, waaya-aragnimo, adkaysi iyo hiigsi ay bulshadu ku bixisay naf iyo maal. Waxa uu si gaar ah uga hirgalay magaalooyinka waaweyn iyo dhalinyarada cusub ee ku soo kortay xaalado ka duwan kuwii dagaallada sokeeye.
Jiilka cusub wuxuu leeyahay astaamo si weyn uga duwan kuwii hore:
• In aan si fudud loogu kicin karin abaabul ku salaysan qabiil iyo qabyaalad,
• In aan lagu abaabuli karin cabsigelin siyaasadeed,
• In aan lagu soo xerogelin karin halkudhigyo waddaniyadeed iyo kuwa diineed,
• In aanu aqbalaynin siyaasad ku dhisan diidmo iyo xanaaq, oo aan wadan aragti iyo qorshe cad oo lagu cabbiri karo faa’iidada iyo khasaaraha.
Jiilkan cusub wuxuu doonayaa:
• Hoggaan leh hiigsi iyo himilo qaran,
• Saldhigiisuna yahay ururro iyo xisbiyo siyaasadeed,
• Dowlad shaqeyneysa, daboolina karta baahiyahooda maanta iyo berritaba,
• Abuurista fursado dhaqaale,
• Diyaarin adeegyo waxbarasho iyo kuwa caafimaad, iyo
• Ka qaybgal siyaasadeed oo dhab ah, oo u suurageliya in ay qayb ka noqdaan hoggaanka dalka.
Sidaas darteed, markii dhalinyaradu arkeen dallada mucaaradka oo ay ku urursan yihiin siyaasiyiin astaan u ahaa xilliyadii burburka iyo dagaallada, waxay dareemeen in mucaaradku aanu metelin Soomaaliyada cusub ee ay ku rajo weyn yihiin.
Waxa kale oo niyad-jab dhalisay muuqaalka siyaasiyiin muddo dheer ku jiray siyaasadda, kuwaas oo weli ku hadlaya af iyo fikrado ka soo jeeda casrigii mugdiga ahaa ee hore, xilli qaybaha kala duwan ee bulshada ay isu diyaarinayaan doorashooyin toos ah, maalgashi, amni iyo dowladnimo casri ah.
Dhanka kale, iyadoo mucaaradku abaabulayo mudaaharaadkooda, shacabka Muqdisho waxa hor yaallay muuqaallada boqollaal kun oo qof oo safaf ugu jira codayn, iyo diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo cod ee ka socda qaar kamid ah dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan Koofur Galbeed oo ay bulshada ku dhaqani maanta ku damaashaadayso doorasho halkaas ka socota. Taasi waxay dhalisay isbarbardhig siyaasadeed oo xooggan: bulshada oo u muuqata inay u socoto jihada doorashooyin toos ah, halka mucaaradku weli ku dheggan yahay nidaamyo dadban oo dad badani u arkaan kuwo waqtigoodii dhammaaday.
Dowladda Federaalka: khaladaad jira, balse leh jihayn muuqata
Falanqeyn dheellitiran ma qarin karto in Dowladda Federaalka ay leedahay khaladaad iyo dhaliilo muuqda. Kuwa ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
• Maamulka dhulka danta guud,
• Habka loo maareeyay qaar kamid ah khilaafaadka siyaasadeed, iyo
• Su’aalo la xiriira guud ahaan maamulka awoodda.
Si kastaba, dhaliilahaas looma adeegsan karo in la iska indho tiro waxqabadka dowladda iyo jihada siyaasadeed ee ay dalka u jeexday. Guulaha ay dowladda federaalku gaartay muddadii u dambeysay waxaa kamid ah:
• Deyn cafinta Soomaaliya,
• Qaadista cunaqabateyntii hubka,
• Xoojinta xiriirka caalamiga ah,
• Ku biirista ururrada iyo suuqyada gobolka,
• Kordhinta dakhliga gudaha,
• Dib-u-xoreynta deegaano badan, iyo
• Ballaarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.
Sidoo kale, dowladda waxay soo bandhigtay ajende siyaasadeed oo muuqda, oo laga dheehan karo:
• Dhammeystirka dastuurka,
• Hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod,
• Difaaca madaxbannaanida dalka,
• Iska caabbinta dadaallada lagu wiiqayo midnimada Soomaaliya, iyo
• Rajada ka dhalan karta ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka.
Guulahaas iyo ajendayaashaas ayaa dowladda u sameeyay sawir ah inay leedahay jihayn siyaasadeed oo caddaanaysa, inkastoo ay jiraan khaladaad iyo caqabado waaweyn.
Maxaa laga baran karaa fashilka mudaaharaadka maanta?
Fashilka mucaaradka ayaa noqday muraayad ka tarjumaysa marxalad cusub oo Soomaaliya gashay. Waxa uu muujiyay in bulshada Soomaaliyeed — gaar ahaan jiilka cusub — aanay mar dambe ku qanci doonin mucaaradnimo ku dhisan:
• Diidmo keliya,
• Kicin xusuuso colaadeed, ama
• Hal-ku-dhegyo siyaasadeed oo duugoobay.
Bulshada maanta waxay raadineysaa:
• Aragti qaran,
• Hoggaan leh kalsooni,
• Barnaamij siyaasadeed oo la taaban karo, iyo
• Mustaqbal ka duwan kii ku-meel-gaarka iyo jahawareerka siyaasadeed ay hareeyeen.
Taasi waxay mucaaradka ku riixaysaa inay dib isu weydiiyaan su’aalo aasaasi ah, oo ay ka mid yihiin:
• Yaa nahay?
• Maxaan doonaynaa?
• Maxaa na mideeya?
• Maxay bulshada naga sugaysaa?
• Maxaan uga duwanahay dowladda aan mucaaradnayno?
• Suurtagal ma tahay in Soomaaliya maanta lagu sii maamulo isla nidaamyadii ku meel gaarka ahaa iyo doorashooyinkii dadbanaa ee muddada dheer jiray?
Su’aalahaas ayaa laga yaabaa inay noqdaan bilowga dib-u-habeyn siyaasadeed oo dhab ah. Waxay sidoo kale dhisi karaan saldhig wada-hadal qaran oo ku saabsan mustaqbalka dalka, wada-hadal ku wajahan xaqiiqooyinka cusub ee Soomaaliya, halkii lagu sii wareegi lahaa xusuusihii iyo hababkii siyaasadeed ee gaboobay.
Ugu dambayn, dhacdadan waxay muujisay in Soomaaliya si tartiib ah uga gudbayso siyaasaddii ku dhisnayd ku meel gaarka iyo kala qaybsanaanta, una tallaabeyso marxalad cusub oo ay bulshada, gaar ahaan dhalinyaradu, ku doonayaan hoggaan leh himilo, qorshe qaran iyo awood uu ku hogaamiyo dowlad casri ah oo la jaanqaadi karta dunida isbeddelaysa.
Waxaa qoray : Sayid Ali Haji