Manchester United Oo Waji Gabax Kale Oo Suuqa Ahi Soo
Manchester United ayaa waji gabax kale oo suuqa iibka ciyaartoyda ahi soo gaadhay, waxaana usoo noqotay jawaabta dalab ay ka gudbiyeen laacib ay beryahanba ku raad-joogeen oo tababare Solskjaer u doonayay inuu ku xoojiyo kooxdiisa.
Kooxda kubadda cagta FC Porto ayaa iska diidday dalab £15.4 milyan oo Gini ah oo ay United ka gudbisay difaaca reer Brazil ee Alex Telles, kaas ay tartankiisa kula soo biirtay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City.
Suuqa iibka ciyaartoyda oo xidhmaya saqda dhexe ee habeenka…