Antoine Griezmann Oo Weerar Ku Qaaday Macalinkiisa Barcelona

Antoine Griezmann ayaa u muuqday mid weerar ku qaadaya macalinkiisa Barcelona Ronald Koeman isagoo sheegay in tababarihiisa xulka France Didier Deschamps inuu garanayo booska laga ciyaarsiiyo.

Griezmann ayaa dhaliyay gool ka dib kaliya sideed daqiiqo uu garoonka ku jiray kulankii ay France 2-1 kaga badisay Croatia ee tartanka UEFA Nations League, waa goolkiisii 32aad ee uu u dhaliyo dalkiisa isagoo dhaafay tirada goolasha ee uu Zinedine Zidane u dhaliyay xulka Le Bleus.

Qaab ciyaareedkiisa Barcelona ayaan aheyn mid sidaas u xiiso badan ka dib markii la saaray garabka midig ee weerarka isagoo ku guuldareystay inuu gooldhaliyo ama caawin u sameeyo kooxda Catalans seddex kulan uu dheelay horyaalka La Liga.

Isagoo la hadlayay saxaafada ka dib kulankii Croatia, Griezmann ayaa sheegay in macalinkiisa xulka qaranka Deschamps inuu ka ciyaarsiinayo booska uu jecel yahay isagoo weerar dadban ku qaaday Ronald Koeman.

Wuxuu u sheegay wageyska Spain ka soo baxa ee AS: “Tababaraha wuxuu yaqanaa halka ay tahay inaan ka ciyaaro sidaasi darteed waxaan ka faa’ideystaa fursadaha iyo kalsoonida ay igu qabaan tababaraheyga iyo xiddigaha aan isla ciyaarno”

Wuxuu hadalkaan imaanayaa kaliya isbuuc ka dib markii uu Deschamps shaaciyay in Griezmann uusan ku faraxsaneyn booska uu ka ciyaarsiinayo tababaraha Barcelona Koeman.

Booska uu ugu jecel yahay oo ah booska ka danbeeya gooldhaliyaha waxaa qaatay Philippe Coutinho, iyadoo Koeman uu doortay in Lionel Messi uu hogaamiyo weerarka.

Deschamps ayaa yiri: “Waan la hadlayaa isaga, waxaana is arki doonaa hadhow. Waan hubaa inuusan ku faraxsaneyn xaaladiisa.

“Ma faro gashto sida ay kooxaha kale u isticmaalaan ciyaartoydeyda haddii ay ahaan laheyd Barca ama koox kale.

“Antoine wuxuu ka ciyaarayaa garabka midig marka uu halkaas joogto haatan.

“Waa run in Koeman uu u sheegay isaga inuusan fahamsaneyn sababta uu markii hore uga ciyaari jiray boos dhexe.”

Deschamps ayaa sidoo kale ku eedeeyay Barcelona in Griezmann uu seddex rigoore oo isku xigta ka qasaariyay wadankiisa sababtoo ah buu yiri uma ogolaadaan Barcelona inuu rigoore u tuuro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More