“Waxaa naga go’an in Doorashada 20/21 aysan dib uga dhicin
Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed
Raysul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa faah-faahiyay is qab-qabsiga ka dhashay xubnaha Guddiga Doorashada 20/21, cabashada Xisbiyada Mucaaradka & Walwalka waqtiga Doorashada.
Guuleed ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay qabashada doorashada 20/21, lana soconeyso sidii loogu qaban lahaa muddo xileedka Dowladda Federaalka oo ku eg 8-da…