Falanqeynta Kulanka Sheffield United vs Manchester United

Manchester United ayaa ku sugan Bramall Lane oo ay booqaneyso Sheffield United, kaasoo kaliya hal dhibic ka helay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa afar isbedel ku sameeyay shaxdiisa kulankii Manchester City, iyadoo Dean Henderson uu bedelay David De Gea.

Wuxuu sidoo kale keydka ku soo daray Luke Shaw, Fred iyo Scott McMTominay wuxuuna dib ugu soo celiyey safka koowaad Alex Telles, Nemanja Matic iyo Anthony Martial.

Sheffield United ayaa seddex isbedel ku sameysay kooxdii guuldarada 3-0 ka soo gaartay Southampton, iyadoo Phil Jagielka iyo Billy Sharp keydka fadhiyeen.

Manchester United ayaa u baahan guul weyn si ay ugu dhawaato kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka, xitaa haddii ay dhibco la yeelato Everton oo leh 23 dhibcood isla markaana farqiga u dhow hoggaamiyeyaasha Liverpool ku leh sideed dhibcood.

Shaxda rasmiga ah ee labada koox

Safka Man United: Henderson, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Telles, Matic, Pogba, Fernandes, Greenwood, Martial, Rashford.

Kaydka: De Gea, Mata, Fred, James, Shaw, Van de Beek, McTominay.

Sheffield United XI: Ramsdale, Baldock, Basham, Egan, Stevens, Burke, Berge, Amapdu, Fleck, McGoldrick, Robinson.

Kaydka: Verrips, Sharp, Mousset, Jagielka, Norwood, Osborn, Brewster.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More