Musiibada Dhaawacyada Barcelona Oo Halkeeda Kasii Socota &
Ousmane Dembele ayaa ku biiray liiska dhaawacyada Barcelona kaddib markii ay waxyeello kasoo gaadhay ciyaartii Atletico Madrid ee Sabtidii, taas oo ay kooxdiisa kasoo gaadhay guul-darro 1-0 ah.Kulanka ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano ayaa Barca ku noqday musiibo u horseeday dhaawacyo, waxaana shalay ay kooxdu xaqiijisay in labadeeda ciyaartoy ee Gerard Pique iyo Sergi Roberto ay dhaawacan yihiin, isla markaana uu difaaca reer Spain uu xili ciyaareedka oo dhan maqnaan doono, halka uu Roberto muddo laba bilood ah…