Barcelona ayaa barbaro la gashay kooxda Valencia
Barcelona ayaa kaliya hal dhibic ka heshay kulankeedii gurigeeda ee ay la ciyaartay kooxda Valencia, kulan ay Barcelona hogaanka ku qabatay laba jeer laakiin laga ceyriyey.Kooxda reer Catalan ayaa dhibaato ku jirtay tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, Messi oo seddex dhibcood ka badiyay Levante waxaa xigay barbaro 2-2 ah oo ay la galeen Valencia.Valencia ayaa goolka la hormartay waxaana u dhaliyay Mouctar Diakhaby 29 daqiiqo kadib, laakiin Lionel Messi ayaan wax khalad ah samayn isaga oo si dhib yar u dhaliyay goolka…