Cristiano Ronaldo Oo Guul-darro Xanuun Badan U Xambaariyey

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa 3-0 karbaashtay Barcelona, waxaanay kusoo baxday kaalinta koowaad ee Group G.

Cristiano Ronaldo ayaa ku dhex-damaashaaday garoonka Camp Nou ee ay Barcelona iska leedahay, waxaanu laacibka reer Portugal hadba dhinac u qoslayey iyadoo uu murugaysan yahay Lionel Messi oo uu wajiga hoos u foorarinayo.

Juventus ayaa goolka koowaad oo rikoodhe ahaa waxa u dhaliyey Cristiano Ronaldo daqiiqaddii 13aad ee bilowgii ciyaarta, waxaana mid labaad ku daray Weston McKennie ka hor intii aanu Ronaldo dhalinin goolka saddexaad oo isaguna ahaa rikoodhe.

Juventus ayaa heshay gool kale oo afraad oo VAR ay meesha ka saartay markii la xaqiijiyey in Cristiano Ronaldo iyo Bonucci ay ku jireen offside.

Barcelona oo qaybtii hore kala-daadsanayd ayaa xoogaa isasoo canaanatay qaybta dambe, balse waxa shaqadoodu ay ku koobnayd Lionel Messi oo isagana culays gaar ahi uu ku dhacayay.

Fursado dhawr ah oo ay sameeyeen ayaanay u suurtogelin inay gool u beddelaan, waxaana hor taagnaa goolhaye Buffon oo khibraddiisa uga faa’iidaystay inuu badbaadiyo kubbadihii lagu toogtay.

Shaxdii labada kooxood

JUVENTUS (3-5-2): Gianluigi Buffon; Matthijs de Ligt, Leanardo Bonucci, Danilo; Juan Cuadrado, Arthur, Weston McKennie, Aaron Ramsey, Alex Sandro; Cristiano Ronaldo, Alvaro Morata.

Kaydka: Dejan Kulusevski, Radu Dragusin, Rodrigo Bentancur, Cosimo Marco Da Graca, Gianluca Frabotta, Paulo Dybala, Wojciech Szczesny, Adrien Rabiot, Federico Chiesa, Manolo Portanova, Carlo Pinsoglio, Federico Bernardeschi.

BARCELONA (4-2-3-1): Marc-Andre ter Stegen; Jordi Alba, Clement Lenglet, Sergino Dest, Ronald Araujo; Frenkie de Jong, Miralem Pjanic; Lionel Messi, Pedri, Trincao; Antoine Griezmann.

Kaydka: Phillipe Coutinho, Riqui Puig, Samuel Umtiti, Junior Firpo, Neto, Sergio Busquets, Carles Alena, Matheus Fernandes, Oscar Mingueza, Inaki Pena, Martin Braithwaite, Konrad De la Fuente.

Daqiiqaddii 13aad ayay Juventus heshay goolka koowaad ee ciyaarta, waxaana uu ahaa rikoodhe uu shabaqa ku hubsaday Cristiano Ronaldo oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Ter Stegen.

Toddoba daqiiqaddood oo kaliya kaddib ayaa kubbad uu kasoo shaqeeyey dhinaca midig waxa uu usoo jabiyey Ronaldo iyo McKennie oo goolka u dhowaa, waxaana si qurux badan labada lugoodba ugu wada qabtay McKennie oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Lionel Messi ayaa u dhowaaday inuu gool u dhaliyo kooxdiisa Barcelona, hase yeeshee waxa laagiisa oo uu lugta bidix kaga toogtay masaafo 20 yard ah ka badbaadiyey Buffon.

Daqiiqaddii 53aad ee ciyaarta ayay Juventus heshay rikoodhe laga soo hubiyey VAR, waxaana nasiibkiisa ku badbaaday Lenglet oo gacan ku qabtay kubadda balse laga daayey kaadh labaad oo noqon lahaa casaan.

Cristiano Ronaldo ayaa goolkiisa labaad ee ciyaarta ka dhigtay isagoo goolhayahana u diray dhinaca qaldan, xilli uu muujiyey dabbaal-deggii lagu yaqaanay.

Gool afraad oo uu Juventus u dhaliyey Leonardo Bonucci ayaa meesha laga saaray markii VAR ay muujisay inuu ku jiray OFFSIDE ka hor intii aanu taabanin kubaddii uu Cristiano Ronaldo ka hor laaday difaaca, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Juventus.

Kooxda Talyaaniga ah ee Juventus ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday Group H, waxaanay yeesheen 15 dhibcood oo ay isku mid ka yihiin Barcelona balse kulankoodan ay saddex gool la yimaaddeen halka ay Barcelona hore laba gool ugaga soo dhalisay garoonkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More