Waa Maxay Sababta Rasmiga Ee Loo Baajiyay Kulankii PSG &

Ciyaaryahanadda labada kooxood ayaa garoonka isaga baxay intii ay socotay kulankii PSG iyo Istabul Basaksehir ka dib markii mid ka mid ah tababarayaasha kooxda martida aheyd uu cunsuriyeeyay garsooraha afaraad.

Kulankaan waxaa dib loo ciyaari doonaa berri oo Arbaco ah.

Caawiyaha tababaraha kooxda Basaksehir Pierre Achile Webo ayaa casaan toos ah la siiyay daqiiqadii 16aad, iyadoo ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda Turkiga ay garoonka isaga baxeen ka dib daqiiqo oo ay wadahadal kula jireen garsooraha reer Romania Ovidiu Hategan.

Demba Ba, weeraryahanka Basaksehir ayaa la arkayay isagoo ku xanaaqsan garsoorayaasha, makarafoonka garoonka dhinaciisa yaala ayaa qabtay iyadoo Demba Ba uu leeyahay: “Marnaba ma dhahdid ‘ninkaan cad’, waxaad dhahdaa ‘ninkaan’, waa maxay sababta aad u xustay midabkiisa, waa maxay sababta marka aad ka hadleyso nin madow aad u leeyahay ‘ninkaan madow’?”

Ciyaaryahanadda PSG ayaa ku faraxsanaa inay raacaan wadada kooxdii ay la ciyaarayeen ka dib markii ay ogaadeen sida ay wax u dhaceen iyadoo Presnel Kimpembe, Neymar iyo Kylian Mbappe ay dhamaantood taageero u muujiyeen kooxda Turkiga.

Markii ay ciyaartoyda labada kooxood ka baxeen garoonka, gudoomiyaha Basaksehir Goksel Gumusdag ayaa u sheegay TRT: “Iyadoo qof walba ay maqleyso, garsooraha afaraad wuxuu yiri “N*gro”. Haddii garsooraha afaraad ciyaarta laga saaro, waan soo laabaneynaa. Haddii garsooraha afaraad uu sii joogo kuma soo laabaneyno garoonka. Kama aamusi karno arintaan. Haddii garsooraha afaraad uu joogo ma soo baxeyno.”

Ciyaarta waxaa haatan dib loo bilaabi doonaa berri oo Arbaco ah sida ay sheegtay kooxda Faransiiska.

“Kulankii u dhaxeeyay PSG iyo Istanbul Basaksehir waxaa la kansalay daqiiqadii 13aad markii uu garsooraha afaraad cunsuriyeeyay mid ka mid ah shaqaalaha kooxda Basaksehir” ayay tiri PSg.

“Ciyaarta waxaa la dheeli doonaa Arbacada 8:55pm SGA”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More