Mareykanka oo sheegay inuu xubno Al-shabab ah ku dilay Jubbada Dhexe
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawisay la shaqeynta laamaha sirdoonka si loo siiyo macluumaad ku saabsan mintidiinta Al-Shabaab.
Weerarka ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo aan sheegin magacyadooda iyo darajadooda, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay AFRICOM.!--more-->…