Ciidamada ammaanka Laascaanood oo dad u xiray dil loo
Ciidamada ammaanka Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sameeyay baaris ay ku qabteen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen dil xalay fiidkii loo geystay sarkaal katirsan maxkamadda degmadaas.
Hay’adaha ammaanka ayaa baaraya shaqsiyaadka ay usoo qabteen dilka loo geystay garsooraha maxkamadeed ee ka shaqeynayay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga.
Garsooraha la dilay waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Salaad (Wadaad…