Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa bilowday inay kala fududayso xiddigaha tirada badan ee ay haysato kaddib saxeexyadii ay samaysay xagaagan.
Blues ayaa si weyn uga shaqaysatay suuqa iibka xagaagan oo ay gelisay lacag ka badan 250 milyan oo Gini, iyadoo soo xero-gelisay Kai Havertz, Timo Werner, Hakim Ziyech, Ben Chilwell, Mendy, Thiago Silva iyo Malang Sarr, waxaanay taasi culays ku keentay laacibiintii hore usoo joogay ee qaarkood boos la’aanta ahaayeen.
Laacibka khadka dhexe ee reer England ee Ross Barkley ayaa…