“Eedeynta Musharixiinta waa mid ka tarjumeysaa dano
Warqad kasoo baxday maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu faah-faahiyay Sugidda ammaanka Caasimadda, Eedeyn uga timid Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 20/21 & doorashada dalka.
Xaanshida uu soosaaray Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu muujiyay in eedeyntaas ay tahay waxba kama jiraan, isla markaana ay ka tarjumeyso Dano gaar ah oo Shisheeye sida hadalka loo dhigay.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan cidna uga heybeesaneen sugidda amniga inta lagu howlan…