Real Madrid Oo Koox Ay Dunida Ku Qabsanayso Dhisaysa &
Kaddib markii uu suuqii xagaagu soo dhammaaday iyagoo aan gabi ahaanba wax lacag ah bixinin, Real Madrid ayaa la fahamsan yahay inay isku diyaarinayaan sanadka 2021 oo ay dhawr saxeex oo waaweyn suuqa ka doonayaan.Haatan liiska xiddigaha da’yarta ah ee ay kooxdaasi doonayso inay dunida ku maamusho sanadaha soo socda ayuu kusoo baxay Giovanni Reyna oo ah 17 sano jir hibo weyn leh oo Borussia Dortmund ka tirsan.Walow ay Haaland iyo Mbappe markasta ahaayeen xiddigaha bar-tilmaameedka ugu sarreeya usoo ahaa Los Blancos haddana…
