Waa saxiixa aad ugu weyn Mauricio Pochettino
Mauricio Pochettino ayaa noqon doona macalinka cusub ee kooxda Paris Saint-Germain kadib markii shalay shaqada laga caydhiyay Thomas Tuchel.
- Advertisement -
Xiddiga reer Argentine, oo koox la’aan ahaa muddo sanad ah tan iyo markii laga ceyriyay Tottenham, wuxuu gacanta ugu jiri doonaa koox ciyaartoy wanaagsan leh iyo koox buuxdaoo qab ciyaaredkeed fican yahay, taas oo u oggolaan doonta inuu la soo shartago ciyaartoy waaweyn.
Kooxda reer france ee xilli ciyaareedkii hore gaadhay finalka champions League markii ugu horaysay taariikhdooda ayaa lala xiriirinayay in ay si xor ah ku heli doonaan dhamaadka xilli ciyaareedkan xidgaha uu ugu horeeyo Lionel Messi.
Mauricio Pochettino, oo ay dhalasho wadaagaan Lionel Messi, ayaa laga yaabaa inuu qeyb ka noqdo sababaha ay PSG si fudud uga dhaadhicin karto Lionel Messi inuu saxiixo heshiis bilaash ah, iyadoo maalmo kooban ay ka harsan yihiin bisha Janaayo. saxiixdo heshiis hordhac ah.
Sida laga soo xigtay Le Parisien, Messi ayaa ku biiraya Pochettino garoonka Parc des Prince xilli ciyaareedka soo socda.
Messi, oo saaxiibo dhow ay ku yihiin PSG sida Neymar iyo Angel di Maria, ayaa dhawaan sheegay in Neymar uu la ciyaari doono laacibka reer Argentina xilli ciyaareedka dambe.
Sikastaba, Mauricio Pochettino ayaa heysta fursad uu ku hogaamiyo qaar ka mid ah xidigihiisa ugu waa weyn hadii uu tababare u noqdo PSG, sidoo kale wuxuu qeyb ka noqon doonaa ciyaartoy kale oo badan oo kooxda ka caawin kara ku guuleysiga Champions League.