Real Madrid ayaa cashar u dhigta Atletico Madrid iyo kooxda
Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda deriskeeda ah ee Atletico Madrid oo ay 2-0 uga adkaatay Alfredo di Stefano.Casemiro qeybtii hore iyo goolhayaha Atletico Jan Oblak oo iska dhaliyay qeybtii labaad ayaa Real Madrid ka badisay deriskeeda Atletico Madrid.Natiijada ayaa la micno ah in Real Madrid ay ku dhowdahay hogaanka horyaalka, kaliya seddex dhibcood ayey ka hooseysaa Atletico, oo weli hogaanka ku heysa 26 dhibcood, laakiin kooxda Diego Simeone ayaa kulan gacanta ku haysa.Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si…