Tababare Ku Xigeenka Liverpool Oo Tilmaamay
Caawiyaha Liverpool Pep Lijnders ayaa hoosta ka xariiqay in xilli ciyaareedkooda uu burburay ka dib markii uu Fabinho ka baxay khadka dhexe oo loo wareejiyay booska daafaca dhexe oo looga maarmi waayay.Xiddiga reer Brazil ayaa xaalad degdeg ah darteed waxaa loo wareejiyay booska daafaca dhexe markii uu Virgil van Dijk dhaawacmay bishii October ee sannadkii la soo dhaagay.Kuma uusan soo laabanin booskiisa caadiga ah ee khadka dhexe ilaa iyo kulankii lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee ay ka badiyeen RB Leipzig…