Ciyaaryahanadda Norway Oo Weerar Ku Qaaday Dalka Qatar
Ciyaaryahanadda Norway ayaa xirtay funaanado ay ku qoran yihiin “Xuquuqda aadanaha garoonka dhexdiisa iyo banaankiisa” ak hor kulankooda isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaareen xulka Gibraltar iyagoo taageero u muujiyay shaqaalaha muhaajiriinta ee dalka Qatar.
Kabtan Martin Odegaard ayaa sheegay ciyaarta ka hor in ciyaartoyda ay qorsheynayeen inay soo bandhigaan dareenkooda ku aadan tacadiyada loo geysto shaqaalaha ajaaniibta ah ee dalka Qatar ku nool.
Ciyaaryahanadda ayaa sidoo kale xirtay funaanado ay ku qoray yihiin “Ixtiraam garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba”.
Koobka Adduunka ayaa sannadka danbe 21ka bisha November wuxuu ka bilaabanayaa dalka Qatar.
Norway ayaa kulankii furitaanka isreebreebka ee Group G waxay ku badisay 3-0.
Xiriirka kubada cagta adduunka FIFA ayaa sheegtay in Norway aysan wajihin doonin wax ganaax ah madaama ay banaanbax sameeyeen ka hor kulankii xalay.
“FIFA waxay aaminsan tahay xoriyada hadalka iyo in kubada cagta loo adeegsado awood fiican” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen.
Waa talaabadii ugu danbeysay ee ay Norway ku muujineyso inaysan ku qanacsaneyn in Qatar ay martigeliso Koobka Adduunka.
Horaantii bishaan March kooxda heerka koowaad eee dalka Tromso ayaa ugu baaqay xiriirka kubada cagta Norway inay ka gadoodaan Koobka Adduunka haddii ay soo baxaan. Kooxo badan ayaana codsi la mid ah sameeyay.
Codsiga kooxaha ayaa ka danbeeyay markii wargeyska The Guardian uu daabacay bishii la soo dhaafay in 6500 shaqaale ajaaniib ah oo u badan wadamada Bangladesh, India iyo Pakistan ay ku dhinteen Qatar tan iyo markii ay bilaabeen isku diyaarinta martigelinta Koobka Adduunka sannadkii 2010.
Guddiga qaban qaabinaya Koobka Adduunka ee Qatar oo ka jawaabayay warbixinta wargeyska The Guardian ayaa yiri:
“Aad ayaan uga qoomameyneynaa geerida musiibada ah ee shaqaalahaan, waxaana baarnay mid kasta oo ka mid ah si casharo aan uga barano.”