Jose Mourinho Oo Deg-Deg U Booqday Qolka Labiska
Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa qaaday talaabo lagu amaanay kaddib markii ay kooxdiisu xalay guuldarro fadeexad ah oo ay kala kulantay dhigeeda ree Croatia ee Dinamo Zagreb kaga hadhay tartanka UEFA Europe League oo ay rajo ka qabtay.Mourinho ayaa isaga oo is dhul dhigaya isla markaana aysan ku jirin wax isla weyni ahi tagay qolka labiska Dinamo Zagreb isaga oo gacan qaaday xiddigaha kooxdaas isla markaana ugu hambalyeeyay guusha ay gaadheen.Tottenham ayaa iska lumisay hoggaan 2-0 ah oo ay haysatay lugtii…