SAADAASHA Mark Lawrenson Ee Kulamada Premier

Xiddigii hore ee kubadda cagta England haatana door khabiir kaga shaqeeya BBC Sport ee Mark Lawrenson ayaa sidii looga bartay dhiibtay saadaashiisa toddobaadlaha ah isaga oo markan eraygiisa ka yidhi kulamada Premier League iyo FA Cup ee toddobaadkan la ciyaarayo.

- Advertisement -

Kulamada ugu adag ee Premier League ayaa ah kuwa Aston Villa vs Tottenham iyo West Ham United vs Arsenal halka kulamada FA Cup ee xoogan laga xusi karo Leicester City vs Man United iyo Everton vs Man City.

Aan ku bilawnee Mark Lawrenson ayaa diiday in kooxda Arsenal ay guul kasoo gaadho dhigeeda West Ham United oo kaalmaha tartamada Yurub loogu soo baxo fadhida hadda waxaana uu qabaa inay labada dhinac bar-bardhac ku heshiin doonaan.

Dhinaca kale Jose Mourinho iyo kooxdiisa Tottenham oo qaab lama filaan ah xalay uga hadhay Europe League ayuu ka farxiyay waxaana uu saadaaliyay inay guul kasooo gaadhi doonaan kooxda xilli ciyaareedkan wacdaraha dhigaysa ee Aston Villa.

Dhinaca kulamada FA Cup Lawrenson ayaa aaminsan in Manchester City ay sii wadi doonto hammigeeda ku guuleysiga afarta koob xilli ciyaareedkan isla markaana ay guul kasoo gaadhi doonto Everton.

Kooxda uu Lawro ka nixiyay ayaa ah Manchester United isaga oo saadaaliyay in Leicester City ay habeenka axada ka cidhib tiri doonto FA Cup.

Si lamid ah City, Lawrenson ayaa guul u rajeeyay Chelsea oo iyaduna kulan siddeed dhammaadka FA Cup ah la ciyaaraysa dhigeeda Sheffield United.

Saadaasha Lawro Ee Kulamada Premier League

Fulham 0-2 Leeds United

Brighton 2-1 Newcastle United

West Ham 1-1 Arsenal

Aston Villa 1-2 Tottenham

Saadaasha Lawro Ee Kulamada FA Cup

Everton 0-2 Man City

Leicester City 2-1 Man United

Chelsea 2-0 Sheffield United

Bournemouth 1-1 Southampton (Guul rigoorayaal Southampton)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More