Shariif Sh.Axmed: “Dalkaan waxaa lagu badbaadin karaa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Murashixiinta ayaa sheegay in muhiimadda loo daba-socdo qabsoomidda Doorashooyinka Dalka ay tahay sidii loo badbaadin lahaa waddanka.

- Advertisement -

Shariif ayaa muhiim ku tilmaamay in loo baahan yahay qabsoomidda Doorasho xor, xalaal & waqtigeeda lagu qabto si xarrig isku dhiibka 4-ta sanno ah aysan meesha uga bixin maadaama madaxweyne weliba uu qaadanayo waqtigaas kadibna laga sugayo in uu doorasho hirgeliyo.

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday waxa uu ku dhaliilay in uusan heyn dhabbaha lagu hirgelinayo doorashooyinka Dalka, isla markaana tallaabooyinka uu qaadayo aysan xal u ahayn mustaqbalka waddanka sida uu hadalka u dhigay.

“Hay’adaha Dastuuriga ah waqtiga marka uu ka dhammaado waxa ay keliya kusii joogi karaan shaqada oo faraha lagula jiro, waa nasiib darro in aan la garaneyn waqtiga ay dhaceyso Doorashada, isla markaana aysan muuqan saan-saan taas la xiriirta, Dalkaan waxaa lagu badbaadin karaa Doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacdo” Shariif Sheekh Axmed.

Hoggaamiyaha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay fadhi laga yeesho sidii qaladaadka looga saari lahaa heshiiskii 17-kii September 2020 loo dhaqangelin lahaa si dalka ay uga dhacdo Doorasho.

“Ma dhici karto waqti kororsi, xalka keliya muuqda in laga fadhiisto heshiiska September oo u baahan in la saxo meelaha qaar, waan soo dhaweynay waana gacansiineynaa go’aamada ku aaddan doorashooyinka balse nasiib darro sidii la rabay ma noqon, waa in aan u wada istaagnaa sidii Doorasho ay u hirgeli lahayd, waa wax aan laga gorgortami karin qabsoomidda Doorashooyinka” Sidaasi waxaa yiri Shariif Sheekh Axmed.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in ay ka fogaadaan qaadashada amarro qaldan, keliya ay yihiin ciidanka mas’uulka ka ah amniga & ilaalinta nidaamka, isla markaana meel cad ka istaagaan khilaafka siyaasadeed ee ka baxsan howlaha loo igmaday.

183-Cishe ayaa laga joogaa waqtigii qalka lagu duugay heshiiskii 17-kii September 2020, balse heshiiskaas waxa uu u muuqdaa in uusan kasoo gudbin Miiskii lagu saxiixay, maadaama dhaqangalkiisu caqabado kala duwan hareeyeen, dhinacyadii isku afgartay ayaa labo garab u kala jabay, waxaana meesha ka baxay wadahadalkii lagu ballamay in lagu xoojiyo kadib markii shaki & kalsooni darro uu soo kala dhexgalay dhinacyadaas.

Mustaqbal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More