DG Galmudug & DDS oo iska kaashana Nabadgalyada Xadka u
Wafdi heer Wasiir ah oo ka socda DG Galmudug oo gaaray Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala darajo duwan, waxa ay kawada hadleen sidii ay isaga kaashan lahayeen sugidda amniga deegaannada labada dhinac u dhaxeeya oo dhowr jeer isku dhac ku dhexmaray maleeshiyaad hab beeleed u abaabulan.
Wasiirka Amniga DG Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo hoggaamiye u ah wafdigaas oo gelinkii dambe Khamiista 18-ka Maarso 2021 gaaray Magaalada Wardheer ayaa la kulmay Hoggaanka Nabadgalyada Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Saraakiisha dhanka Federaalka Itoobiya ka socotay waxaa kamid ah, Taliyaha Ciidamada Qaranka, Taliyaasha Ciidanka Liyuu Booliis oo dhibaatooyinka ugu badan ka geysto deegaannada Galmudug & kuwo kale.
Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga DG Galmudug ayaa gudbiyay talooyinka wax looga qaban karo colaadda saameysay isu gudubka dadka shacabka & kuwa deegaanka ku ah meelaha ugu badan ee waxyeelado ka dhacdo.
DG Galmudug ayaa gacanta ku heysa kiisas marar kala duwan ka dhacay Deegaannada Xadka xiga sida Dil, dhaawac, Dhac loo geystay Xoolo ay dhaqanayeen dadka la dhibaateeyay balse ilaa haatan ma cadda sida loo xalin doono, maadaama wadahadalka uu yahay mid curdin ah.
Ciidamada Liyuu Booliis oo hub, saanad & taageero ka hela Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa Gobolka Galgaduud ku dilay dad shacab u badan kadib markii ay ka qaybgaleen dagaal-beeleedyo dhexmaray maleeshiyaad labada dhinac kasoo kala jeeda.
Mustaqbal