Kabtankii Ugu Fiicnaa Taariikhda Horyaalka Premier
Roy Keane ayaa loo doortay kabtankii ugu fiicnaa taariikhda horyaalka Premier League.
- Advertisement -
Keane ayaa kaalinta koowaad ka galay kabtankii hore ee Chelsea John Terry iyo kabtankii hore ee Manchester City Vincent Kompany.
Musharaxiinta loo codeynayay waxaa ka mid ahaa kabtankii Arsenal Tony Adams, kabtankii Man United Rio Ferdinand, kabtankii Liverpool Steven Gerrard, kabtankii Man United Roy Keane, kabtankii Man City Kompany, kabtanka Leicester City Wes Morgan, kabtankii Chelsea John Terry iyo kabtankii Arsenal Patrick Viera.
26 kun qof oo ka qeyb qaadatay codbixinta ay qaaday jariirada The Sun, waxaa cod aqlabiyad ah ku qaaday Roy Keane.
Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United Roy Keane ayaa helay boqolkiiba 36 codadkii la dhiibtay halka John Terry oo labaad soo galay uu helay boqolkiiba 19 codadkii la dhiibtay.
Kompany oo 10 koob oo waa weyn la qaaday Man City ayaa seddexaad soo galay waxaa ku soo xigay Gerrard, Viera iyo Adams oo helay boqolkiiba 9 codadkii la dhiibtay.
Waxaa codeynta ugu hoos maray Ferdinand iyo Morgan.
Keane ayaa ahaa mashiinkii dhaqaajinayay Manchester United bilowgii 90meeyadii ilaa iyo bilowgii 2000-maadkii.
Wuxuu kabtan u ahaa kooxda markii ay isku qaadayeen seddexda koob – horyaalka, FA Cup iyo Champions League sannadkii 1999.
Taageerayaasha Manchester United ayaa jeclaan lahaa in maanta kale oo Roy Keane hogaamiyo madaama kooxda ay weli ku jirto xaalad adag.