DEG DEG: Liverpool Oo Qarka U Saaran Dhameystirka

Liverpool ayaa qarka u saaran inay dhameystirto saxiixa daafaca tayada leh ee kooxda RB Leizpig iyo xulka Faransiiska Ibrahima Konate.

- Advertisement -

Kooxda Jurgen Klopp ayaa la dhibtooneysay dhibaato daafac xilli ciyaareedkan madaama ay ka dhaawacmeen Virgil van Dijk iyo Joe Gomez laakiin Reds ayaa dooneysa inay xoojiso awoodeeda daafac xagaaga.

Sida ay sheegtay warbaahinta aadka loogu kalsoon yahay ee The Athletic Liverpool ayaa kooxdeeda ku xoojineysa inay dhameystirto saxiixa Konate kaasoo haatan u ciyaara xulka Faransiiska ee da’dooda ka yar tahay 21 jirada ee ka qeyb galaya Koobka Qaramada Yurub ee da’ yarta.

Heshiiska ay Anfield ku keenayaan daafaca tayada leh ee Faransiiska ayaa maraya heer gabagabo ah, iyadoo Konate ayaa doonaya inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ka faa’ideysto fursad uu ugu wareego karo Liverpool taasoo sarre u qaadi karta fursadiisa in looga soo yeero xulka waa weyn ee Faransiiska.

Madaama kooxda Jarmalka ee Leipzig aysan ku qasbaneyn inay iibiso xiddigaan, waa in koox kasta oo dooneysa Konate ay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo gaareysa 33 milyan ginni ama 40 milyan euro.

Leipzig ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Bundesliga iyadoo afar dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Bayern Munich, waxaana la fahamsan yahay inay ka warqabaan xiisaha Liverpool ee daafacooda dhexe, haddii Liverpool ay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska xiddigaan looma baahnaan doono wadahadal lala galo iyaga.

21 jirkaan ayaa kooxda Leipzig uga soo wareegay kooxda Faransiiska ee Sochaux sannadkii 2017, wuxuu wacdarro ka dhigayaa daafaca Leipzig inkastoo dhaawacyo uu xadiday waqtigiisa.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More