Sababtii Rasmiga Aheyd Ee Sergio Ramos Oo Aan

Kabtanka xulka Spain Sergio Ramos ayaa laga saaray shaxda xulka Spain kulankii ay xalay guusha 2-1 ka gaareen xulka Georgia.

Daafaca Real Madrid ayaa la xaqiijiyay inuusan dhaawac aheyn oo uu taam buuxda ahaa.

Tababaraha xulka Spain Luis Enrique ayaa qirtay inuu isagu go’aan ku gaaray inuu keyd dhigo Sergio Ramos islamarkaana uu ku adkeysanayo go’aankiisa.

“Xaalada Sergio Ramos aad ayay u fiican tahay, maqnaanshihiisa waa go’aan farsamo oo aan anigu gaaray” ayuu Luis Enrique sharaxaad ku bixiyay ka dib ciyaartii xalay.

“Waan ogahay wax walba oo aan sameeyo inay muran dhalineyso, haddii Ramos uu ciyaaro shan daqiiqo, sagaashan daqiiqo ama haddii uusan ciyaarinba.

“Waan la qabsaday taas haatan, ma ahan wax iga yaabinaya. Diyaar ayaan u ahay dooda.” ayuu yiri.

Spain ayaa kulankii xalay gool looga hormaray markii uu daqiiqadii 44aad gool u saxiixay xulka Georgia ciyaaryahan Khvicha Kvaratskhelia laakiin Spain ayaa ciyaarta ku soo laabatay markii uu goolka barbaraha u dhaliyay Ferran Torres kaasoo caawimaad ka helay Jordi Alba.

Xulka La Roja ayaa ugu danbeyn goolka guusha helay daqiiqadii 2aad ee waqtigii dheeriga ee ciyaarta markii uu shabaqa u soo taabtay Daniel Olmo iyadoo goolkaan uu sidoo kale caawiye ka ahaa Jordi Alba.

Waa guushii ugu horeysay ee ay gaartay Spain isreebreebka Koobka Adduunka ka dib markii kulankii isbuucii hore ay barbaro 1-1 kala kulmeen xulka Gariiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More