Biden wuxuu kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Soomaaliya
Madaxweynihii 46aad ee Mareykanka Joe Biden kordhiyay cunaqabateynta ugu yaraan sanad kale si loo xayiro dhaqaalaha Soomaaliya, talaabadaas oo ay qaateen labo madaxweyne oo hore Barack Obama iyo Donald Trump.
Aqalka Cad Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin kooban oo ay ku sheegayso in madaxweyne Biden uu saxiixay warqad lagu kordhinayo cunaqabateynta saaran Soomaaliya sababo amni awgood.
"Marka la eego xaaladda Soomaaliya, amniga iyo siyaasaddu waxay ku jiraan waqti xasaasi ah. Siyaasadda qaran ee Wasaaradda…