RASMI: Xiddigii Ku Guuleystay Abaalmarinta Laacibkii Ugu Fiicnaa
Kelechi Iheanacho ayaa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii Maarso.Weeraryahanka ayaa dhaliyay shan gool bishii la soo dhaafay isagoo noqday xiddigii afaraad ee Nigeria u dhashay ee ku guuleysta abaalmarintaan ka dib Jay Jay Okocha, Peter Odemwingie iyo Odion Ighalo.Iheanacho ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Leicester City ee ku guuleystay abaalmarinta tan iyo markii uu Jamie Vardy ku guuleystay bishii October 2019.“Aad ayaan ugu faraxsanahay, sharaf ayayna ii tahay inaan ku guuleystay…