Biden wuxuu kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Soomaaliya
Madaxweynihii 46aad ee Mareykanka Joe Biden kordhiyay cunaqabateynta ugu yaraan sanad kale si loo xayiro dhaqaalaha Soomaaliya, talaabadaas oo ay qaateen labo madaxweyne oo hore Barack Obama iyo Donald Trump.
Aqalka Cad Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin kooban oo ay ku sheegayso in madaxweyne Biden uu saxiixay warqad lagu kordhinayo cunaqabateynta saaran Soomaaliya sababo amni awgood.
“Marka la eego xaaladda Soomaaliya, amniga iyo siyaasaddu waxay ku jiraan waqti xasaasi ah. Siyaasadda qaran ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxaa loo arkaa mid aan caadi ahayn dhanka Soomaaliya.” Aqalka Cad ayaa ku yiri bayaan.
Qoraalka oo sii socda ayaa leh “Sababta xaalad deg-degga ah ayaa lagu dhawaaqay 12-kii Abriil 2010-ka waxaana tallaabada la qaaday 20-kii July 2012-ka. Waa inaan sii wadnaa xayiraadda laga billaabo 12-ka Abriil 2021-ka.”.
Hogaamiyaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu raaci doono amarka nr. 13556 Tani waxay ka dhigan tahay inay sii socon doonto laba iyo tobanka bilood ee soo socda isla markaana la qiimeyn doono sanad kadib, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka, oo si qoto dheer ugu kuur gashay waxyaabaha cunaqabateyntu ka kooban tahay.
Mareykanka ayaa soo xigtay wax uu ugu yeeray “Argagixisada” Geeska Afrika, isagoo ula jeeda dilkii ugu dambeeyay ee shan qof oo rayid ah loogu dilay qarax ka dhacay caasimada Muqdisho.