SAWIRRO: Daroogo 50 Kiilo Ah Oo Ku Qorneyd Magaca Cristiano Ronaldo Oo
Labo nin ayaa la xiray ka dib markii boliiska ay la wareegeen kartoomo ay ku qoran yihiin magacaa Cristiano Ronaldo oo lagu soo qoriyay 50 kiilo oo dooragada kookiinta ah.
Boliiska la dagaalama daroogada ee dalka Mareykanka ayaa ku qabtay magaalada New York kartoomaha daroogada ee CR7 oo qiimahooda uu gaaray 1.5 milyan ginni.
Daroogada waxaa lagu soo dhex qariyay kartoomada uu alaabaha ku soo saaro xiddiga Juventus ee ay ku qoran tahay calaamadiisa CR7.
Saraakiisha boliiska ayaa daroogada oo 50 kiilo aheyd ka helay guri yaala xaafada Queens ee magaalada New York, waxay sidoo kale soo qabteen qoryo iyo 10 kun doolar oo kaash ah iyo mashiinada lacagta lagu tiriyo.
Labo nin ayaa loo xiray oo mid ka mid ah lagu magacaavo Christopher Jones kaasoo ay boliiska baaritaan ku wadeen waxaana la xiray isagoo wato boorso ay ku jirto 200 kun doolar oo kaash ah.
Nin kale oo lagu magacaabo Wykim Williams ayaa isna la xiray, mana jirto wax soo jeedinaya in xiriir uu ka dhaxeeyo howlgalkaan iyo Ronaldo.
Ma ahan markii ugu horeysay ay dadka ka ganacsada daroogda isticmaalaan magaca Cristiano Ronaldo si ay sharciga uga dhuuntaan.
Bishii November ee sannadkii la soo dhaafay, boliiska Nicaragua ayaa soo qabtay 340o kartoomo ay ku jiraan daroogada kookiinta oo calaamada CR7 dusha looga dhejiyay.
Waxaa iyadana dalka Faransiiska bishii December 2018 lagu qabtay xashiis qiimihiisa gaarayo 3500 ginni oo magaca Cristiano Ronaldo lagu qariyay.