Tiibasho Ku Dhacday Thiago Silva Oo Qarka U Saartay Inuu U Geeriyoodo
Thiago Silva ayaa ka mid ah daafacyada ugu fiican jiilkiisa laakiin in ka badan 10 sannadood ka hor xiddiga reer Brazil wuxuu qarka u fuulay geeri ka dib markii ay ku dhacday cudurka tiibashada.Daafaca dhexe ee Chelsea oo 36 sanno jir ah ayaa laga helay tiibasho isagoo u ciyaarayay kooxda Dynamo Moscow sannadkii 2005.Markaas waxay da’diisa aheyd 21 sanno jir iyadoo cusbitaal loo dhigay muddo lix bilood ah oo ay dhakhaatiir Ruush ah ka daweynayeen iyadoo cudurka uu ku dhacay lix bilood ka hor inta uusan la…