Maxay Aheyd Sababtii Uu Thomas Tuchel U Bixiyay Kai Havertz Iyo Timo

Thomas Tuchel ayaa sharaxaad ka ka bixiyay sababtii uu u bedelay Timo Werner iyo Kai Havertz intii ay socotay kulankii Champions League ee ay Chelsea ka badisay FC Porto.

- Advertisement -

Kooxda Premier League ka dhisan ayaa hal lug la sii gashay semi-finalka Champions League ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen FC Porto oo marti loogu ahaa dalka Spain, waxayna uga mahadcelinayaan goolal ay u kala dhaliyeen Mason Mount iyo Ben Chiwell.

Chelsea ayaa u qalantay guushooda laakiin waxay habeen niyadjab ah u aheyd saxiixyadii xagaaga Werner iyo Havertz kuwaasoo uu Tuchel bedelay qeybtii labaad.

“Waqtigii aan bedelayay waxaan aqbalay inay ciyaartaan ku adag tahay Timo iyo Kai, uma aysan aheyn maalin fiican iyaga” ayuu yiri Tuchel ciyaarta ka dib.

“Si fiican uma aysan dheelin, sidaasi darteed xiriirkii ka dhaxeeyay todobada ciyaaryahan danbe iyo seddexda afka hore wuu go’ay. Kubadihii aan ciyaareynay ma aheyn mid fiican.

“Sidoo kale waxaan dareemay in labadeena xiddig ee Jarmal Kai iyo Timo inaysan soo bandhigin kubadoodii ugu fiicneyd sidaasi darteed waxaan doortay inaan kursiga keydka awood ka raadiyo.”

Werner waxaa bedelay Christian Pulisic halka Olivier Giroud uu bedelay Kai Havertz iyadoo Tuchel uu sheegay inuu ku farxay saameynta ay yeesheen xiddigihiisa keydka.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More