Neymar Jr & Nasser Al-Khalaifi Oo Xalay Daboolka Ka Qaaday Haddii ay
Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa shaaciyey go’aanka mustaqbalkiisa kaddib markii ay PSG xalay tartanka Champions League ka cidhib-tirtay Bayern Munich oo ay kaga aarguteen guul-darradii ay finalkii xilli ciyaareedkii hore u xambaariyeen.Neymar oo dhowaan la sheegay in uu hakiyey qandaraas kordhin uu u samaynayay PSG ayaa waxa uu bixiyey ishaaro ah in uu qalinka u qaadanayo heshiiska cusub ee kooxdiisa, kaas oo uu waqtiga ugu sii dheeraynayo Parc des Princes.Heshiiska Neymar uu kula jiro PSG ayaa waxa uu ku egyahay xagaaga…