Hordhac: Borussia Dortmund vs Man City – Taariikhda & Rikoodhada U

Manchester City ayaa ku dedaali doonta in ay iska xaadiriso wareegga semi-finalka tartanka Champions League marka ay caawa safarka ugu tagto Borussia Dortmund oo lugtii hore ay waqti dambe ka gaadhay guul cidhiidhi ah.

Kulankan oo ka dhacaya garoonka Westfalensation ama Signal Iduna Parkee Dortmund, ayaa waxa tababare Pep Guardiola laga doonayaa in ay ugu yaraan ka badbaaddo in wax goolal ah laga dhaliyo, amaba ay barbarro ku haysto Dortmund, maadaama ciyaartii hore ay ku kala baxeen 2-1 oo waqtigii dheeraadka ahaa uu goolka guusha u dhaliyey Phil Foden.

Xaqiiqooyinka kulankaMarkii toddobaad ayay Borussia Dortmund guul-darraysatay lugta hore ee tartanka Champions League ee wareegyada isrebe-reebka tooska ah, sida hadda oo kale, waxaana tartankan laga cidhib-tiray lix ka mid ah siddeedaad mar.Tartamada waaweyn ee Yurub, Manchester City ayaa wareegga xiga u gudubtay 13 ka mid ah 15 kulan oo lugtii hore soo badisay, waxaana kaliya ay hadhay xilli ciyaareedkii 1976-77 oo ay Juventus guul soo laabasho ah ku garaacday iyo Monaco oo 2016-17 ka cidhib-tirtay tartanka iyadoo lugtii horena ay City badisay.Taariikhda tartanka Champions League, kooxaha lugtii hore ku guuleystay 2-1 waxa tartankan laga dhidhib-tiray oo ay hadheen 15 jeer, halka 12 na ay soo gudbeen. Man City ayaa midkood ku biiri doonta labadan liis.Weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland, waxa uu ku guul-darraystay in uu goolal dhaliyo saddex jeer oo kaliya 15kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee UEFA Champions League ah, waxaana uu shabaqa taabtay afar ka mid ah kulamadii uu ku ciyaaray Signal Iduna Park, kuwaas oo uu saxeexay toddoba gool.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Borussia Dortmund vs Manchester City

Tartanka: Champions League, lugta labaad ee wareegga siddeedda

Natiijada kulankii hore: Borussia Dortmund 1-2 Man City

Waqtiga: 10PM – Saacada Geeska Afrika

Garoonka: Signal Iduna Park

Wararkii u dambeeyey ee labada kooxood

Manchester City waxa ka maqan weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero oo dhaawac fudud oo muruqa ah ku seegay kulankii Premier League ee Sabtidii ee Leeds United. Laakiin waxa City usoo laabtay Aymeric Laporte oo taam ka noqday jugt soo gaadhay.

Borussia Dortmund ayaa waxa iyagana ka maqan Jadon Sancho oo aan ka hor tegaynin kooxdiisii hore ee Man City, waxaanu ciyaartan kaga maqan yahay dhaawac.

Sancho ayaa tababarka kusoo laabtay kaddib lix toddobaad oo uu dhaawac ahaa, waxayse ciyaartan Signal Iduna Park ee caawa ay ku tahay degdeg.

Borussia Dortmund waxa kale oo uu shaki ku jiraa haddii ay ciyaartan taam u yihiin khubrada reer Germany ee Marco Reus iyo Mats Hummels.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Borussia Dortmund: Hitz; Meunier, Akanji, Hummels, Guerreiro; Can, Bellingham, Dahoud; Knauff, Haaland, Reus

Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Stones, Cancelo; Rodri, Gundogan, De Bruyne; Mahrez, Silva, Foden

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More