Mikel Owen Oo Saadaaliyey Kulanka Liverpool vs Real Madrid – Kooxdee
Michael Owen ayaa saadaal ka bixiyey kulanka adag ee caawa ay ku ballansan yihiin kooxda Liverpool iyo Real Madrid ee lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League, iyadoo uu midkood u gudbi doono semi-finalka oo ay ku sugayso Chelsea.
Real Madrid ayaa ciyaartii hore ee usbuucii hore ku badisay 3-1, waxaana goolasha u kala dhaliyey Vinicius Junior oo laba saxeexay iyo Marco Asensio oo hal gool dhaliyey.
Mohamed Salah ayaa goolka uu u dhaliyey uu soo gaabiyey farqiga goolasha ee kulanka, taas oo ka caawisay Reds in ay u baahato laba gool si ay semi-finalka u tagto.
Liverpool ayaa sannadkii 2019 waxay samaysay soo kabasho cajiib ah, waxaanay 4-0 kaga adkaatay Barcelona oo lugtii hore kaga soo badisay 3-0.
Michael Owen oo wax laga weydiiyey natiijada ay ciyaartani kusoo dhamaanayso, iyo haddii midka labadiisa kooxood ee hore soo gudbi doona ayaa waxa uu sheegay in Liverpool ay guuleysan doonto oo ay la iman doonto labada gool ee laga doonayo, laakiin aanay haddana soo gudbi doonin oo Real Madrid ay gool la iman doonto.
Ciyaarta ayuu ku sheegay in ay ku dhamaan doonto 2-1 ay Liverpool ku badin doonto, taasina natiijada wadarta labada ciyaarood ay ka dhigayso 4-2 oo ay Real Madrid kusoo gudbi doonto.
“Liverpool xoogaa ayay ka hoosaysay heerkeedii kulankii usbuucii hore ay joogeen Spain, laakiin way soo laabteen oo Anfield ayay Sabtidii guul kaga gaadheen Aston Villa. Inkasta oo aanay sidoodii ugu fiicnayd ahayn, haddana waxay taasi usoo celisay kalsoonida.” Ayuu yidhi Michael Owen.
“Anfield waxaynu goob-joog uga ahayn soo laabashooyin cajiib ah oo tartamada Yurub ah, waxaanay ila tahay in Liverpool ay ku filan tahay in ay guuleysato, waxa aan rumaysanahay in ay soo kaban doonaan laakiin ay ka hoosaynayaan inta laga doonayo. Waxay Liverpool ku badinaysaa 2-1.
Your browser does not support the audio element.